Dalal ka baxsan Ruushka & Ukraine oo ay jug wayni kasoo gaari karto dagaal dhaca (Ma ogtahay sababta ay labadan dal muhimka u yihiin?)

0

(Hadalsame) 23 Feb 2022 – Xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa shirkadaha waaweyn ee cunnada adduunka ka keena Ruushka iyo Ukraine waxay u badan tahay inay ku khasbanaadaan inay sarreenta, galleyda, iyo saliidda gabbaldayaha ay raadsadaan meelo kale, sida ay Reuters kasoo xiganeyso falanqeeyayaasha iyo ganacsatada.

Carqaladeyntan ayaa kor u qaadi karta qiimaha cuntada adduunka oo mar horeba aad u sareeyey sannado badan, sida ay khubaradu ka digayaan.

Labada dal ayaa lagu soo waramayaa inay wax soo saarka quudka daruuriga ka yihiin 29% dhanka dhoofinta sarreenta ama qamadiga adduunka, 19% saadka galleyda adduunka, iyo 80% saliidda gabbaldayaha ee adduunka loo dhoofiyo.

Ganacsatadu waxay ka walaacsan yihiin in dagaal kasta oo millateri uu saamayn ku yeesho dhaqdhaqaaqa dalagga oo uu ku khasbi karo inay beddelaan ama adkaadaan wadiiqooyinka saadka gobolku.

“Carqaladaha sahayda maraysa gobolka Badda Madow waxay saameyn doontaa guud ahaan quudka caalamiga ah,” Phin Ziebell, oo ah dhaqaaleyahan dhanka ganacsiga beeraha ee Bangiga Qaranka Australia, ayaa u sheegay Reuters.

“Iibsadayaasha Bariga Dhexe iyo Afrika waxay raadin doonaan ilo kale.” ayuu raaciyey.

Xogta maraakiibta halkaa ka noqotay iyadoo shixnaddan ku raran ayaa muujinaysa in ku dhawaad 70% sarreenta ee Russia ay u iibsadeen dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika sanadkii 2021.

Hadalsame Media