Shiinaha oo mowqif aanu Ruushku filaynin ka qaatay tillaabada ka dhanka ah Ukraine

0

(Beijing) 22 Feb 2022 – Shiinaha ayaa “walaac” ka muujiyey xaaladda kasoo cusboonaatay dalka Ukraine, deeto markii ay Ruushku aqoonsadeen Donetsk iyo Lugansk oo ka wada tirsan Gobolka Donbas.

Kaddib markii uu maanta telefoon kula hadlay dhiggiisa Maraykanka ee Antony Blinken, Wasiir Dibadeedka Shiinaha, Wang Yi, ayaa tilmaamay in isbedelladan ugu dambeeyey ay keentay fashilka ku yimid Heshiiskii Minsk ee 2015 ee dhigayey in si nabdoon gobolladan dib loogu soo celiyo Ukraine.

Yeelkeede, wuxuu diblomaasiga ugu sarreeya dalka Shiinuhu sheegay in mowqifka Beijing ee Ukraine uu waaqafsan yahay xeerka caalamiga ah iyo in la tixgeliyo cahdiga QM.

Wuxuuna dhinacyada ugu baaqay in ay “is xakameeyaan oo xaaladda la dejiyo xasaradda taagganna wada xaajood lagu xalliyo.

Shiinaha ayaan sida muuqata si kal iyo laab ah u taageerin tillaabada Ruushka ugu yaraan ilaa haatan.

Hadalsame Media