”Saxaafadda Ingiriisku 15 sano ayay warkan wadeen!” – Ruushka oo si caro leh uga jawaabey warar ay qoreen Ingiriisku

0

(Moscow) 22 Feb 2022 – Ruushka ayaa meesha ka saaray warar ay qprayeen saxaafadda Ingiriiska oo ku saabsanaa in laga wareejin karo ciyaarta dhamaadka ah ee Champions League oo loo asteeyey St. Petersburg 28-ka Maajo.

“Wax dareen ah ma siinno wararka saxaafadda Ingiriiska. Waxay sheekadan oo kale wadeen tan iyo 2008-dii oo ay sheegayeen in tartanka nalaka wareejinayo.” ayuu sheegay Madaxa Guddiga Agaasinka St. Petersburg, Alexey Sorokin oo la hadlay TASS isagoo tixraacayey markii caasimadda Ruushka ee Moscow sidoo kale 2008 lagu qabtay Champions League Final, isagoo xusay inaysan lasoo xiriirin UEFA, oo uu sheegay inay siyaasadda ka madaxbannaan yihiin, ciyaartana ay u martigelin doonaan sidii hore.

Dhamaadkae Champions League ayaa loo asteeyey gegada 68,000-qaadka ah ee Gazprom Arena, taasoo sidoo kale loo yaqaan Krestovsky Stadium. Waana garoonka camaaliqada Ruushka ee Zenit St. Petersburg waxaana lagu qabtay ciyaaro ka tirsanaa KA2018 FIFA World Cup iyo kuwii Yurub ee 2020 UEFA European Championship.

Hadalsame Media