Ruushka oo sheegay meel xanuun badan oo uu doonayo inuu ku dhufto EU + Sababta

0

(Moscow) 22 Feb 2022 – Dadka Midowg Yurub ayaa mar dhow bixin doona €2,000 oo euro ($2,200) kunkii mitir kubbo ee gaaska dabiiciga ah, sida uu sheegay Madaxwaynihii hore ee Ruushka oo hadda ah Guddoomiye Xigeenka Golaha Ammaanka Qaranka, Dmitry Medvedev, ayaa Talaadadan warkaasi soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Digniintan ayaa timid kaddib markii Jarmalku uu amar ku bixiyay in la joojiyo shahaadada dhuumaha gaaska ee Nord Stream 2.

“Madaxa Jarmalka Olaf Scholz wuxuu amray in la joojiyo shahaado siinta dhuumaha gaaska ee Nord Stream 2. Hagaag, ku soo dhowoow adduunka cusub, kaas oo reer Yurub ay dhowaan ku bixin doonaan €2,000 oo euro kunkii mitir ee 3-jibbaaran oo gaas ah!” ayuu yiri Medvedev ayaa qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Horraantii Talaadadii, Chancellor Scholz, wuxuu sheegay in dowlada Jarmalku ay joojinayso nidaamka shahaado bixinta ee billaha ah ee mashruuca dhuumaha ee Nord Stream 2 ee Ruushku leeyahay iyadoo laga duulayo ismariwaaga hadda u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ee ku saabsan gobolka Donbass.

Gelinkii dambe ee Isniintii, Ruushku waxa uu si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Dadka Donetsk iyo Lugansk ee hoostaga gobolka gooni-goosadka ah ee Donbas, taas oo dhalisay dhaleeceyn ka timid waddamada reer Galbeedka oo ay ku andacoonaya in Ruushku uu isku dayayo inuu si sharci darro ah ku galo Ukraine. 

Dhuumahan oo ay ku kacayso 12 bilyan oo doollar, oo ay inteeda badan iska leedahay shirkadda tamarta ee dowladda Ruushka ee Gazprom, ayaa awood u leh inay 55 bilyan oo mitir kubbo oo gaaska dabiiciga ah sannadkii kasoo qaado Ruushka oo gayso Jarmalka.

Dhuumaha ayaa noqon kara jawaabta dhibaatada tamarta Yurub ee hadda jirta iyo caawinta dib u buuxinta tas-hiilaadka kaydka gaaska ee qaaradda, taas oo wax ka yar 5% uusan ka badnayn gaaska iminka ku haray marka la eego qiimaynta usbuucii hore.

Hadalsame Media

Facebook Comments