Ruushka oo gudaha u galay Ukraine xilli uu MW Zelensky diray farriin dhega hadal ah oo Galbeedka ku socota

0

(Kiev) 22 Feb 2022 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa amray ciidamadiisa inay gudaha u galaan gobollada ay fallaagadu haysato ee bariga Ukraine kuwaasoo uu sheegay inuu dalal u aqoonsaday.

Ruushka ayaa ciidamadan uu geliyey Donetsk iyo Luhansk ku tilmaamay “nabad ilaalin”, balse Maraykanka ayaa warkaa ku sheegay maalaa yacni uu Ruushku duullaankiisa ugu qiil samaysanayo.

MW Ukraine ayaa isna Ruushka ku eedeeyey inuu si kas ah kabaha ugula tumanayo karaamada qarankoods.

Khudbo uu xalay xilli dambe jeediyey ayuu MW Volodymyr Zelensky ku sheegay in Ukraine ay nabad doonaysey:

“Qofna ka cabsan mayno wax aan cid siinaynaana ma jiraan. Waxaanse taageero wax ku ool ah ka doonaynaa saaxiibbadeenna caalamiga ah oo aan ogaan doonno kii saaxiib dhab ah nala ah iyo kii ka cabsanaya Ruushka ee hadal uun la taagan.” Ayuu yiri.

MW Ukraine ayaa warkiisa laga dhadhanin karaa inuu saluugsan yahay reer Galbeedka oo inta Ruushka ku cariyeen aan misna wax micne leh kusoo kordhinaynin.

Hadalsame Media