DAGAAL QABOW: Ruushka oo caddeeyey in iyaga & Reer Galbeedku ay sidoo kale isku heli doonaan Bariga Dhexe & Afrika

0

(Moscow) 22 Feb 2022 – Reer Galbeedka ayaa isku dayaya in ay kiciyaan iska horimaad aan laga fursan karin oo ay la galaan Ruushka oo ku saabsan Ukraine, sida uu qabo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov.

Isagoo la hadlaayay dhigiisa dalka Suuriya, Faysal Mekdad, Lavrov waxa uu ku qayliyey in Ruushku aanu awoodin in uu xoogga saaro xiriirka uu la leeyahay dalkan Bariga Dhexe ee Suuriya, isaga oo eedda saaray isku dayga reer Galbeedka ee lagu hurinayo colaadda Ukraine, taas oo uu ku eedeeyay in ujeedadu tahay dhiirigelinta dagaal u dhexeeya Ruushka iyo NATO, sida uu ku dooday.

“Xaaladda adduunku si degdeg ah ayay isu rogroraysaa. Tani waxay sidoo kale khuseysaa oo ka dhici kartaa woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Suuriya,”ayuu yiri Lavrov.

“Nasiib darrose, dedaallada aan kula jirno…waxaa saameeynaya jawiga hadda sare usii kacaya ee asxaabteena reer galbeedka. Isbahaysiga reer Galbeedku waxay isku dayayaan inay abuuraan iska horimaad aan dhanna loo dhaafi karin oo lala galo Ruushka.” ayuu raaciyey isagoo muujinaya inuu si ahaan bilowday dagaal qabow.

Hadalsame Media