XOG: Ruushka oo damacsan ”duullaankii ugu ballaarnaa” tan iyo Dagaalkii 2-aad ee Addduunka

0

(Hadalsame) 20 Feb 2022 – Ra’iisul Wasaaraha UK ee Boris Johnson ayaa sheegay in Ruushka uu isku diyaarinayo waxa noqon kara dagaalkii ugu waynaa uguna dhiiga badnaa Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Aduunka.

“Qorshaha aan aragno waa shay runtii noqon kara dagaalkii ugu wAynaa ee Yurub tan iyo 1945-kii marka loo eego baaxadda.” Johnson ayaa u sheegay BBC-da wareysi Axaddii la sii daayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raacshey in warbixinnada sirdoonku ay muujinayaan in Moscow ay qorshayneyso inay Ukraine kaga soo duusho dhowr jiho” si ay u hareereyso Kiev.”

Hadalka Johnson ayuu warkiisu la mid yahay kii Madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden oo bishii hore sheegay in weerarka Ruushka uu ku qaadi karo Ukraine uu noqon doono duullaankii ugu waynaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee Aduunka.

Toddobaadkan, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si faahfaahsan u sharraxay qorshaha la filayo in Moscow ay ku weerarto Ukraine todobaadkan. Khamiistii, Wasaaradda Difaaca UK ayaa iyana daabacday khariidad muujinaysa “dhinaca ay suurtagalka tahay inuu ka yimaado duulaanka ka dhanka ah” Ukraine.

Yeelkeede, Moscow ayaa marar badan beenisey sheegashada ah in ay qorsheynayso weerar ay ku qaado deriskeeda, iyada oo ku adkaysatay in dhaqdhaqaaqa ciidamada ee Ruushka iyo Belarus ay qayb ka yihiin layliga caadiga ah ee joogtada ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shalay oo Axad ahayd khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, iyagoo ka wadahadlay sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha hadda ka taagan Yurub.

Hadalsame Media