RASMI: MW Ruushka oo ciidamadiisa amar ku siiyey inay galaan bariga Ukraine (Baaxadda gobollada uu aqoonsaday)

0

(Moscow) 21 Feb 2022 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa si rasmi ah jamhuuriyado ugu aqoonsaday Donetsk iyo Lugansk isagoo ciidamadiisa amray inay galaan labadan gobol ee ka tirsan bariga Ukraine iyagoo “nabad ilaalin” uu ku sheegay.

MW Ruushka ayaa marka laga soo tago ciidamada uu u diray Donbass, wuxuu sidoo kale Wasaarad Dibadeedka dalkiisa faray inay diyaariyaan xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeeshaan wax uu ku sheegay jamhuuriyadaha shacbiga Donetsk iyo Lugansk, taasoo dhaqse u hirgelaysa.

Wuxuu hoggaanka Kremlin-ku khudbo dheer oo uu jeediyey tillaabadan u cuskaday in Ukraine ay noqotay gumaysi “galbeedku leeyahay iyo in dowladdoodu ay noqotay mid Ruushka neceb dadka af Ruushka ku hadla ama Ruushka ah ee ku nool bariga dalkaana u diiddey xuquuqda asaasiga ah ee insaanka.

Donetsk iyo Lugansk ayaa inay madax bannaan yihiin sheeganayey tan iyo 2014kii waloow aysan Ruushka oo taageeri jirey aanu aqoonsanin ilaa haatan.

Arrintan ayuu Ruushku durba ugu qiil samaystay inuu galo ugu yaraan bariga dalkaasi oo uu horay uga goostay Crimea 2014kii.

 

Hadalsame Media