Maxay madaxda reer Galbeedku ka yiraahdeen tillaabada Ruushka maxayse samayn doonaan?!

0

(Hadalsame) 21 Feb 2022 – MW Maraykanka ee Joe Biden oo telefoon kula hadlay MW Emmanuel Macron-ka France, RW Jarmanka ee Olaf Scholz of Germany, iyo MW Ukraine ee Volodymyr Zelenskyy ayaa si ba’an u cambaareeyey go’aanka uu Ruushku ku aqoonsaday gobolka bari ee Ukraine.

MW Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa cambaareeyey tillaabada MW Ruushka oo uu ku tilmaamay mid wiiqaya dedaalladii socdey islamarkaana meel uga dhacaya madaxbannaanida Ukraine isagoo ku baaqay kulan deg deg ah oo ay iskugu yimaadaan Golaha Ammaanku.

 

RW Britain ee Boris Johnson ayaa isna tillaabadan ku tilmaamay gef wayn oo loo gaystey madaxbannaanida iyo qiyamka Ukraine iyo Heshiiskii Minsk, isagoo sheegay in UK ay samayn doonto wax kasta oo ay karto si ay u garab istaagto dadka reer Ukraine.

Wasiir Dibadeedka Maraykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay in tillaabo deg deg ah laga qaado Ruushka oo aqoonsaday laba gobol oo fallaago ah oo ku yaalla bariga Ukraine taasoo ay ku jirto cunaqabatayn adag.

Wasiir Dibadeedka Jarmanka, Christian Lindner, ayaa go’aanka MW Vladimir Putin ku tilmaamay mid go’doomin doona dadka Ruushka ah.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa tillaabadan ku tilmaamay mid sii wiiqaysa madaxbannaanida gayi ee Ukraine iyo dedaalladii lagu doonayey in xal laga gaaro xiisadda taagan lana soo nooleeyo Heshiiskii Minsk ee 2015-kii.

 

Guddoonka Komishanka EU, Ursula von der Leyen, ayaa iyana ka digtey in EU ay qaadayso tillaabo adag oo midaysan kaddib markii uu Kremlin-ku aqoonsaday Donetsk iyo Lugansk oo ka tirsan Gobolka Donbass ee bariga Ukraine.

Madaxda Galbeedka ayaa soo rogi doona cunaqabatayno kala nooc ah oo ka dhan ah Ruushka.

Hadalsame Media