Iiraan oo la yaab ka muujisay hal arrin oo dhacday kaddib markii la saxiixay heshiiska shidaalka ee la burriyey

0

(Tehraan) 21 Feb 2022 – Madaxda Soomaalida ayaa meesha ka saaray heshiis “sharci darro ah” oo ay wada saxiixdeen Wasiirka Tamarta ee dalka iyo shirkad shidaal oo Maraykan ah, ayaa lagu bilaabay qoraal lagu faafiyey Press TV oo ah afka caalamiga ah ee Dowladda Iiraan.

Sabtigii, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Inj. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu todoba heshiis oo wax soo saar wadaag ah (PSAs) la saxiixday shirkad shidaal oo fadhigeedu yahay Texas.

Inkastoo uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, haddana labada hoggaamiye ayaa ku gacan-sayray heshiiska, ayaa qoraalka la raaciyey qoraalka Press TV.

Waxaa deeto lasoo qaatay magacyada MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo heshiiska shidaalka ku tilmaamay “mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin”.

Hadalsame Media