Hadal kasoo fakaday shirkadda Coastline Exploration kahor inta aan la burrin heshiiska ay gashay!!

0

(Hadalsame) 21 Feb 2022 – Waxaa fiidnimadii Sabtigii mar qura waraaqo iska daba ordaya oo ay soo saareen MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu burriyey heshiis dhanka shidaalka ah oo lagu saxiixay Maraykanka kaaso lagy tilmaamay “mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin”.

Yeelkeede, kahor inta uusan burburin heshiisku, Wasiirka Shidaalka Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamay mid ”wax wayn u ah” Soomaaliya.

Sidoo kale sharikadda dallaalka ah ee Coastline Exploration Ltd, ayaa heshiiska ku tilmaantay “waa u baryey” Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ku jira kaydadka haray ee ugu badan ee aan la sahmin oo ku yaalla biyaha kulul ee adduunka,” madaxa fulinta ee Coastline Exploration, W. Richard Anderson, ayaa ku yiri hadal uu soo saaray kahor inta aysan madaxda Soomaalidu baabi’inin heshiiska.

Si kastaba, Somalia ayaa tan iyo xornimadii aan ka faa’iidaysan khayraadkeeda iyadoo ku socota siyaasado maangaaban oo ay siyaasiyiin bilaa jiho ihi hagayaan kala jiidanaysa muddo 70 sano ah.

Hadalsame Media