Qaraxyo saaka ka dhacay bariga Ukraine & qax ka bilowday + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Feb 2022 – Qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay magaalada Donetsk ee bariga dalka Ukraine oo ay gacanta ku hayaan falaago doonaysa inay ka go’aan Ukraine.

Goobjooge ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in dhowr qarax laga maqlay woqooyiga magaalada subaxnimadii Sabtidan.

Ma cadda waxa sababay qaraxyadan. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda gooni-u-goosadka ah ama Maamulka dhexe ee Ukraine.

Hoggaamiyaha gooni u goosadka ee Donetsk ee uu Ruushka taageero, Denis Pushilin, ayaa mar sii horreysay amray in si buuxda loo abaabulo ciidammada fallaagada ee gobolka.

Rabshado ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socdey Donetsk iyo Luhansk oo ku yaalla bariga ugu shisheeya Ukraine, iyadoo dhowr jeer ay ka dhaceen duqeymo. Bambaanooyin ayaa lagu weeraray baabuur bannaanka hore ee dhismo dowladeed oo ku yaalla Donetsk Jimcihii.

Laba qarax ayaa gilgiley Luhansk subaxnimadii Sabtigan. Xarunta macluumaadka ee Luhansk ayaa sheegtay in mid ka mid ah qaraxyada uu ku jiray gaaska dabiiciga ah, waxayna soo xigatey dad goob joogayaal ah oo sheegay in midka kale uu ka dhacay goob baabuurta lagu sameeyo.

Dumar, carruur iyo dad waayeel ah ayaa laga soo daadgureeyay dhulalka ay fallaagadu ka taliso, iyadoo la gaynayo dalka ay deriska yihiin ee Ruushka.

Hadalsame Media