Dulduleello hor leh oo kasoo baxay “heshiiska batroolka” ee la burriyey & waxa uu Somalia uga dhigan yahay (Tillaabo kale oo loo baahan yahay)

0

(Hadalsame) 19 Feb 2022 – Heshiiska Batroolka – Afar saacadood ka dib markii Sharikadda Coastline Exploration Ltd ay magaalada Houston ee Mareykanka ku shaacisay in ay heshiis la gashay Soomaaliya, ayuu Wasiirka Batroolku Twitter innagu wargeliyay in uu 7 heshiis la galay sharikadaas.

Wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay in uu ku “garabsiiyay” kuna “tirtirsiiyay” howsha.

In yar ka dib, Madaxweynaha ayaa soo saaray waraaq uu ku qeexay in aan Wasiirku kala tashan heshiiska.

Warqadda ka soo baxday Madaxtooyadu waxay caddeysay in uu heshiisku yahay waxba kama jiraan maaddaama uu baalmarsan yahay amar ka horreeyay oo Dowladda ka joojinaya in ay heshiis gasho xilliga kala guurka ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa isaguna soo saaray amar uu ku burinayo heshiiska oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuuna sheegay in tallaabo sharci ah ay Xukuumaddu qaadi doonto.

Markii ugu horreysay waxaan warka heshiiska ka helay dad ah xog-ogaal feejigan oo London, Muqdisho iyo jooga magaaloiyin kale.

Maaddaama la iigu sheegay in heshiiska lagu galay London, Diblomaasiyiinta Soomaaliya ka wakiilka ah ee London waan ka waayay wax caddeynaya xataa joogitaanka Wasiirka ee London.

Heshiis Batrool oo aan Madaxweynuhu ogeyn, Ra’iisal Wasaaruhu ku tilmaamay sharci darro, haddii UK lagu saxiixay aan Safaaradda Soomaaliya ee London aanay ka warqabin, waa waa sax in la buriyo.

Laakiin burin naguma filna. Xataa khiyaamo Qaran ayaa suurta gal noqon karta.

Inta kale ka sokow, Dhaawac ayay arrintani ku tahay Dowladnimada Soomaaliya, iyo in magaca Dowladda heshiis aan la isla ogeyn lagu galo, maalmo gudahoodna laga baxo.

Aragtideyda, Baaritaan buuxa oo bannaanka keena heshiiska, cidda saxiixday, cidda la ogeyd, haddii laga lahaa ujeeddo siyaasadeed iyo ama dano kale.

Haddii ay caddaato in dembi laga galay Shacabka Soomaaliyeed, markaa tallaabo sharciga waafaqsan oo laga qaado cid kasta oo ku lug leh waa lama huraan.

W; Q: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media