DAAWO: Ilhaan Cumar oo keentay hindi-sharciyeed lagu joojinayo ”barwada bilaa digniinta ah” (Dhibaatada ka dhalatay?)

0

(Washington, DC) 19 Feb 2022 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo Gobolka Minnesota ku metesha Aqalka Wakiillada oo ka tirsan Koongarayska Maraykanka ayaa keentay hindise-sharciyeed cusub oo lagu joojinayo arrin halis badan keentay.

Mrs Cumar ayaa doonaysa in la xakameeyo waxa loo yaqaan ”barwada aan digniinta lahayn” oo ay booliisku si qaflad ah ugu weeraraan guryaha dad eedaysanayaan ah taasoo marar badan keenta burbur hantiyeed ama waxyeello nafeed.

Qofkii ugu dambeeyey ee ay arrintani saamayso waa wiil madow ah oo 22-jir ahaa oo la oran jirey Amir Locke, kaasoo ay si xun u dhaawaceen Ciidamada SWAT kaddibna dhintay 2-dii bishan Febraayo iyadoo ay booliisku ku weerareen gurigiisa Minneapolis, Minnesota iyagoo sita barwada noocan ah (no-knock warrant).

Ilhaan ayaa haatan u ololaynaysa in la laalo sharcigan lana soo rogo xeer cusub oo mamnuucaya in guryaha ay ku jiraan eedaysanayaasha qaabkan loo weeraro.

Hadalsame Media