Cabsi hor leh oo ka dhalatay Ruushka oo samaynaya dhoollatus nukliyeer ah (Maxaa micne gaar ah u yeelaya?)

0

(Hadalsame) 19 Feb 2022 – Millateriga Ruushka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay dhoollatus ballaaran oo ay sameynayaan ciidamadooda istaraatiijiga ah ee nukliyeerka, taasoo ah mid si wayn dadka u xasuusin karta awoodda nukliyeerka dalkaasi iyadoo ay jirto cabsida reer Galbeedku ka qabaan in Moscow ay isu diyaarineyso inay weerarto Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si shakhsi ah u kormeeri doona layliga Sabtigan, kaas oo ay ka mid noqon doonaan dhoollatusyo badan oo ah tuurista gantaalaha baalistikada ah ee isaga kala goosha qaaradaha iyo gantaalaha kuruuska, ayay tiri Wasaaradda Difaaca dalkaasi.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu la socon doono dhoollatuska socda isagoo ku sugan ”qolka xaaladda” ee Wasaaradda Difaaca.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay qorshaysay hab-dhaqdhaqaaqyadan waqti kahor si loo hubiyo diyaargarowga taliska iyo ciimada millateriga ee Ruushka, iyo sidoo kale isku halaynta hubkiisa Nukliyeerka ah iyo kuwa caadiga ah.

Dhoollatuskan ayaa imanaya jeer uu Madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden uu Khamiistii ka digey in Ruushku uu ku soo duuli karo Ukraine maalmo gudahood.

Cabsida reer Galbeedka ayaa diiradda saaraysa qiyaastii 150,000 oo askari oo Ruush ah – oo ay ku jiraan qiyaastii 60% guud ahaan ciidamada dhulka ee Ruushka – oo ku urursan meel u dhow xudduudaha Ukraine. Kremlin-ka ayaase ku adkeysaneysa in aysan lahayn wax qorshe ah oo duulaan ah.

Ruushku waxa uu caadiyan sameeyaa dhoollatus balaaran oo ay sameeyaan ciidamadooda istaraatiijiga ah ee nukliyeerka sanad walba, laakiin hab-dhaqdhaqaaqyadan la qorsheeyay sabtigan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Raxanta Badda Madow oo uu saldhigoodu yahay jasiirad u ekaha Crimea, oo Ruushku ka qabsaday kana goostay isla Ukraine 2014-kii.

Hadalsame Media