Maraykanka oo digniin kale kasoo saaray “kuwa carqaladaynaya” doorashada dalka

0

(Muqdisho) 18 Feb 2022 – Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saartay marxalidihii ugu dambeeyey doorashada Aqalka Hoose.

“Waxaan mar kale ugu baaqaynaa saamilayda inay sharfaan waajibaadkooda oo ay doorashada kusoo afjaraan si daah-furan oo la aamini karo 25ka Febraayo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda.

“Maraykanku wuu la xisaabtami doonaa kuwa carqaladaynaya ama xagal-daacinaya geeddi-socodka doorashada.” Ayaa la daba dhigay.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay doorashadu socoto balse ay aad uga fog tahay mid daah-furan, iyadoo diyaarado lagu qaadayo ergooyin magac u yaal ah.

Hadalsame Media