Ruushka oo cayriyey Danjire Xigeenkii Maraykanka u fadhiyey dalkaasi (Waa nin noocee ah?)

0
MOSCOW, RUSSIA MARCH 27, 2018: US national flag waving by the Embassy of the United States of America. The USA has decided to expel 60 Russian diplomats and close the Consulate General of the Russian Federation in Seattle over the poisoning of former Russian military intelligence officer Sergei Skripal and his daughter Yulia in Salisbury, Britain on 4 March 2018. Mikhail Japaridze/TASS (Photo by Mikhail JaparidzeTASS via Getty Images)

(Moscow) 17 Feb 2022 – Ruushka ayaa eryey diblomaasi sare oo ka shaqaynayey Safaaradda Maraykanka ee Moscow, sida ay RIA Novosti iyo TASS labaduba sheegeen Khamiistan, iyaga oo soo xiganaya dad ku dhow Safaaradda Maraykanka.

Bart Gorman, oo ahaa safiir ku xigeen, ayaa laga codsaday inuu dalka ka baxo, sida ay sheegayaan. Safaaradda ayaa u sheegtay wakaaladaha wararka in Washington ay ka fiirsaneyso jawaab middi-middi-ku-taag ah.

Gorman waa diblomaasi waayo arag ah oo Maraykan ah oo ku takhasusay amniga, sida ku cad taariikh nololeedkiisa. Waxa uu hore u soo noqday ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghaye iyo Kaaliyaha Agaasimaha Baaritaannada iyo Falanqaynta khataraha (TIA) ee Xafiiska Amniga Diblomaasiyaddda ugu qaybsan Wasaarad Dibadeedka Maraykanka.

Waxa kale oo uu sarkaal amni ka noqday tiro ka mid ah Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay caalamka, sida Ruushka, Ciraaq, Urdun, Shiinaha, Kazakhstan iyo Armenia.

Faallo ay warbaahinta Ruushka siisay, Safaaradda Maraykanku waxay ku sheegtay in diblomaasi darajadiisu u dhiganto midda Gorman uu ka tegey Maraykanka dabayaaqadii Jannaayo “kaddib markii uu waqtigiisu dhammaaday”, lamana oga in Ruushku uu taa ka dabaaqayey.

Hadalsame Media