Nin ku eedaysan balaayiin lacag ah oo ka maqan dal shisheeye oo Xildhibaan ka noqday Somalia (Dadka la sheegay inay wataan)

0

(Hadalsame) 17 Feb 2022 – 8-dii Abriil 2016, Booliiska Kenya oo daba socdey Maxamed Cabdalla kaddib markii la soo saaray amar lagu soo xirayo isaga iyo 5 qof oo kale ku eedaysnaa maamul xumo maaliyadeed, lunsi lacageed, falal ka dhan ah anshaxa maaliyadda iyo xatooyo lagu eedeeyay in ay ka dhaceen laba bangi oo maxalli ah oo Kenyan ah, sida ay sheegtay Idaacadda Mustaqbal.

Balse shalay Cabdalla waxaa loo doortay xubinimada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda socota.

Wararka ayaa sheegaya in ninkani uu baxsad ahaa tan iyo markii la sheegay in eedeymahan loo jeediyay oo uu isla markiiba si dhuumaaleysi ah ku soo galay Soomaaliya, isagoo markii barwada xiritaanka lasoo saarayey ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ICT-ga Bangiga Qaranka Kenya.

Dhinaca kale, xilligaasi uu Maxamed wajahayey xarigga, Bankiga Dhexe ee Kenya ayaa waxaa ku luntay balaayiin shilin oo khasaare ah oo la soo sheegay sannad-maaliyadeedkaasi. Bangigu waxa uu khasaaray 1.2 bilyan oo shilinka dalkaasi ah, waana khasaarihii ugu xumaa ee 8-dii sano ee la soo dhaafay.

Yeelkeede, ninkan ayaa ka mid ahaa 7 xubnood oo geli doona Baarlamanka DF Somalia aqalkiisa hoose kuwaasoo shalay lagu doortay magaalada Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo booska kursiga HoP#145, kala baxaya Cabdiweli Muudey oo ahaa Guddoomiye Xigeeenkii Baarlamankii 10-aad oo loo diidey inuu tartamo.

Warar ay heshay warbaahinta gudaha Somalia ayaa sheegaya in Maxamed uu ku naaloonayo gardaadinta iyo dhowraarinta madaxii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo uu aad ugu kalsoon yahay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

It is not clear whether Kenyan security forces are still after him and whether this revelation will be a ground that is likely to present a new political dimension that could haunt his political progress.

Ma cadda in Ciidamada Ammaanka Kenya ay weli ku daba jiraan iyo in arrintan soo shaac baxday ay noqon doonto mid ay u badan tahay inay saameyn xun ku yeelato horumarkiisa siyaasadeed, waloow aanay xisaabtan iyo hufnaan lahayn siyaasadda Somalia.

Hadalsame Media

Facebook Comments