Istaraatijiyadda fog ee ka dambaysa adeegsiga kelmadda ”Ciidamo ay Turkigu tababareen”

0

(Hadalsame) 17 Feb 2022 – Ciidamada Haramcad oo ah Booliis Gaar ah oo ay leedahay DF Somalia ayaa la sheegayaa inay saaka magaalada Beledwayne ku dileen Taliyihii Saldhigga Beledwayn, Maxamed Xuseen Duurdege kaddib isku dhac dhex maray labada ciidan.

Ciidanka Haramcad oo inta badan ka kooban dhallinyaro aad u da’yar ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay shalay Muqdisho ka sameeyeen xadgudubyo ka dhan saxafiyiin maxalli ah oo ka howlgala warbaahinta madaxabannaan.

Haramcad iyo ciidamo kale oo ka tirsan DF Somalia ayaa ku eedaysan falal anshax xumo ah iyo khaladaad ka dhan ah isla ujeedada asaasiga ah ee loo dhisay oo ah inay ammaanka sugaan, mana aha inay ammaanka sigaan, sida hadda dhacaysa.

Yeelkeede, waxaan doonayaa arrin kale oo halisteeda leh oo ah in marka ay ciidamadani khalad sameeyaan lala doonto dalkii isagoo niyad wanaag iyo gurmad qaran Somalia u samaynaya iyaga soo tababaray, iyadoo wax kasta oo ay sameeyaan lagu daro ”Ciidamada uu Turkigu tababaray”, ogoobey Somalia waxaa jooga ciidamo lagu soo tababaray dalal fara badan, balse inta badan maqli maysid iyadoo la sheegayo magacyada dalalkaasi, manaba aha in la sheego.

Waayo? Sababtu waxay tahay ciidankan khaladka ay galeen sooma farin dalka soo tababaray. Tusaale ahaan, Turkiga ma dhihin ordaha oo soo figeeya weriyeyaasha, ordoo dila hooyo agoon korsanaysa oo aroortii kasab usoo kallahday, sidii ka dhacday Ceelasha Biyaha, ma dhihin inta Beledwayne tagtaan weerar ku qaada Saldhig Booliis iyagoo weliba booliis sheeganaya.

Khaladka ay Haramcad galaan waxaa wax laga waydiin karaa min saraakiisha howgelinta, Taliska Dhexe ee Booliiska, Wasaaradda Ammaanka ilaa Madaxwaynaha oo ah Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida.

Yeelkeede, ku celcelinta ”ciidanka Turkigu tababaray” waa kelmad ay ka dambayso xeelad cadaawe oo fog oo ah in Turkiga lagu cadaadiyo inuu joojiyo tababarka Ciidamada Somalia oo uu yahay dalka ilaa haatan wax micne leh isku duwey, waxaana ka dambeeya dalal shisheeye oo adeegsanaya siyaasiyiin indhow-garad ah oo iska dhaadhiciyey inay sidan ugu badiso iyo warbaahin howtal hamag ah oo sidii baqbaqaaga ka daba tiraahda wixii ay yiraahdaan.

Fadlan eedee oo cambaaree xigaa dacwee siyaasiga iyo madaxda ciidamadan sida khaldan ciidamadan u holwgelinaysa ee tusaale ahaan ammaankii caasimadda oo khalkhalsan u xilsaaraya inay xildhibaan kursi usoo dhacaane, iska daa TURKIGAN aad farqaha ku dheggan tahay, hana ku eedaynin gurmad qaran oo uu adiga kuu sameeyey, taasoo keenaysa in cid kasta oo ku caawin lahayd ay ka cararto cajarafadaysigaagan aan xadka lahayn.

Midna maanka ku hay, haddii aannu doonayno Somalia oo dowlad noqota oo dhulkeeda ilaasha waa khasab inay ciidan yeelato, laakiin waxaa sidoo kale khasab ah in ciidankaa uu maamulo nidaam leh han iyo hufnaan qaran oo aan ku shaqaynayn aqli gaaban iyo aragti aan meel fog wax ka naawilaynin, sida hadda socota, marka muhiimaddu ma aha in dalalka nagu caawinaya nidaam dhiska la eedeeyee, waa in la hufo nidaamkeenna.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media