Dalka Somalia oo kaalin fiican ka galay liis kale oo ceebaysan (Qiimayn Afrika laga sameeyey)

0

(Hadalsame) 17 Feb 2022 – Dalka Somalia oo muddo dheer muquuranaysa dhibaatooyin ay gelisey fikri xumi keentay siyaasad xumo ayaa kaalimaha hore ka gashay liis kale oo ceebaysan.

Qiimayn bishan lasoo saaray oo ku saabsan dalalka ugu badan oo ay ku nool yihiin dad ku barakacay gudaha dalkooda ayay Somalia ka gashay kaalinta 2-aad guud ahaan qiimaynta qaaradda Afrika.

Waxaa kaalinta 1-aad xirtey dalka Democratic Republic of the Congo oo isna tan iyo xornimadiisii aan naq degin, waxaana dalkan oo ay dunidu iska biliqaysato gudihiisa ku dacdarraysan 5.3 milyan oo barakace (IDPs). Ha yeeshee, dalkan waxaa ku nool 90 milyan oo qof.

Somalia ayaa iyada waxaa barakacsan ku dhowaad 3 milyan oo qofood, taasoo ka dhigan inay Somalia xitaa ka barakacayaal badan tahay dalka Afrika ugu dadka badan ee Nigeria oo leh 2.7 barakace.

Somalia ayaa marka qiimaynta la eego kaalinta 1-aad ku jirta marka la isu eego inta milyan ee ku nool dalka iyo tirada barakacaayaasha, taasoo ay xitaa uga sarreeyso dalka kaalinta 1-aad ku jira ee Congo DR.

Barakace waxaa lagu qeexaa qofka gurigiisii ay dhibaato dagaal, baahi, shaqo la’aan iwm kasoo wadeen, balse weli ku sugan gudaha xuduudaha dalkiisa.

Hadalsame Media

Facebook Comments