Ukraine oo go’aan cusub ka qaadanaysa laba gobol oo fallaago ah oo ku yaalla bariga dalkaasi

0

(Kiev) 16 Feb 2022 – Madaxwaynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa diyaar u ah inuu soo saaro sharci  maqaam gaar ah siinaya labada ”Jamhuuriyadood” ee fallaagada ee doonaya inay ka go’aan Ukraine ee horay iskugu ahaa gobolka Donbass ee koonfurta-bari dalkaasi, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id.

Isagoo ka hadlayay Kiev kadib kulan uu la yeeshay Zelensky, Scholz ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyaha Ukraine uu ka fiirsan doono sameynta sharci cusub oo horseedaya in labadan gobol ee jamhuuriyadda isku magacaabay ee Donetsk (DPR) iyo Lugansk (LPR) in la siiyo madax-bannaani dheeraad ah.

Labadan gobol ayaa ku dhawaaqay inay ka madax bannaan yihiin Kiev 8 sano kahor, ka dib dhacdooyinkii Maidan, markii mudaaharaadyo rabshado wata ay afgembiyeen dowladdii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Ukraine.

Yeelkeede, Moscow oo taageerta iyo Kiev midna uma aqoonsan inay yihiin dalal madax-bannaan.

“Madaxweynuhu wuxuu ii xaqiijiyey in Ukraine ay soo bandhigi doonto sharciyo qabyo ah oo ku saabsan maqaam gaar ah oo gobolladaa la siinayo iyo doorashooyinka [gobolka].” ayuu yiri Scholz.

Hadalsame Media