RASMI: Guddoonka Xiriirka ee is casiley oo ku dhawaaqay cidda sii qabanaysa xilkii lagu muransanaa (Daawo)

0

(Muqdisho) 16 Feb 2022 – Cabdiqani Saciid Carab oo ayaa si rasmi ah u caddeeyey inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Somalia.

Cabdiqani oo shir jaraa’id dhowaan qabtay ayaa yiri: “Waxaan u tanaasulay bahda ciyaaraha Soomaaliyeed iyadoo aysan cidna i khasbeyn kalsoonina naftayda ku qaba shaqadana waxaa sii wadaya Guddoomiye Xigeenka Cali Shiine.”

Xiriirka ayaa deeto lagu wadaa in uu qabsado koongarays iyo doorasho deg deg ah si loo doorto Guddoon rigli ah.

Xiriirka oo 2 garab u kala jabnaa bilihii dambe ayaa waxaa muuqanaysey inuusan jirin Guddigii Olombikada Soomaaliyeed oo ay ahayd inay arrintan la xaalaan oo go’aamo kasoo saaraan Guddoon KMG ahna magacaabaan.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media