”Laba arrimood ayaan ka waaninayaa waalidiinka si aan carruurta looga qaadan!” – Faadumo Buraanbur (Dhegeyso)

0

(Gothenburg) 16 Feb 2022 – Waxaa Axaddii magaalada Göteborg ka dhacay dibedbax ballaaran oo ay kasoo qaybgaleen dadwayne ka dhiidhinayey carruur ay kala wareegtey hay’adda adeegga bulshada ee Social-ka, waxaana halkaa kula kulannay waalidiin badan oo carruur laga qaatay sida hooyo Soomaaliyeed oo ka timid gobollada dalka iyo nin Oromo ah oo deggan magaalo u dhow Göteborg.

Waxaan sidoo kale la kulannay Faadumo Buraanbur oo laga haysto ilaa 8 carruur ah oo laga qaatay 3 sanadood kahor kuwaas oo kan ugu dambeeyey laga qaatay islamarkii ay dhashay, waxayna Faadumo marka hore ka hadlaysaa sababta loo sheegay in carruurta looga qaatay. ”Waxaa la igu eedeeyey 37 kiis”.

Liibaan Weheliye (S) oo 17 sanadood fadhiyey qaybta ugu dambayn go’aamada ka gaarta carruurta waalidkood laga soo qaado ayaan waydiinnay waxyaabaha loo cuskado in carruur laga qaado waalidkood.

Hadalsame Media