DEG DEG: Cali Yare oo go’aan cusub ka qaatay kursiga uu sheegay in laga “hor istaagey!” (Tillaabo uu qaadayo)

0

(Muqdisho) 16 Feb 2021 – “Waxaan Hambalyo horudhac ah u dirayaa walaalkeey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo la siiyay matali doona kursiga ka dhexeeya Beelaha Bah-Ina Xasan ee #Hop147.” Ayuu warkiisa ku bilaabay Cali Yare Cali oo caddaynayey mowqifkiisa ku saabsan qorshihii garoonka looga celiyey.

“Xildhibaanka Waxaan ugu hambalyeey Telefanka maadama aanan Dhuusamareeb tagin oo aan ahaa qofka kali ah ee uu Madaxweynaha Galmudug ka hor istaagay safarka iyo Tartanka intaba.

“Sida aan Xildhibaanka ugu ballanqaaday telefanka waxaan u garab istaagi doonaa si buuxda oo walaalnimo leh, waxaanan ula shaqeyn doonaa sidii aan aniguba jeclaan lahaa inuu iila shaqeeyo haddii aan kursiga ku soo baxo.

“Waxaan u Mahadcelinayaa qeybihii kala duwanaa ee Bulshada ee sida hagar la’aanta ah ii garab joogay muddadii uu damaca kursigu igu jiray.

Cali ayaa bayaaniyey tillaabada xigta ee uu maaggan yahay isagoo baaqna u diraya dhinacyada ay khusayso.

“Aniga oo fursadaan ka faa’iideysanaya waxaan Beelaha kursiga wada leh ugu baaqayaa Iscafin, midnimo, walaalnimo iyo in la iska iloobo wixii dadka walaalaha kala gaaray muddadii ololaha kursiga lagu guda jiray.

“Markastana waxaan xoojinayaa doodda ah in la kala saaro Xildhibaanka la doortay iyo gefka, ku takri-fal awoodeed iyo ihaanada uu Axmed Qoorqoor u geeystay Beelaha kursiga wada lahaa oo aan Xildhibaanka la saarin eed shaqsi kale.

“Waxaan Qorsheynayaa inaan Muqdisho dhigo gogol nabadeed iyo wadahadal dhexmarta dhammaan musharixiintii kursiga ku wada hamiyay si la isku cafiyo loogana wada shaqeeyo midnimada Beesha iyo Dowladnimada – markii wadahadalkaasi noo soo dhamaado waxaan marti gelin doonaa Xaflad damaashaad ah oo lagu soo dhaweynayo Xildhibaanka la doortay dadka kale ee Soomaaliyeed ee walaalaheen ahnna aan ugu muujin doonno in Midnimadeenna, wadajirkeenna iyo walaaltinnimaddeennu ay ka weyntahay kursi muddo kooban jiraya.” Ayuu kusoo afjaray warkiisa.

Hadalsame Media