”Reer Galbeedka waxaan ceebaynay annaga oo aan hal xabbo ridin!” – Ruushka oo 3 arrimood ka faa’iidey xiisadda Ukraine

0

(Moscow) 15 Feb 2022 – Ruushka ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadooda ay dib u celinayaan kaddib markii la soo gabagabeeyay dhoolatuskii ay ka sameeynayeen meel u dhow xadka Ukraine, Moscow ayaa ku adkeystay in saadaashii ahayd inay dhici karto in daqiiqado yar ay ka harsan tahay in ay amarto duulaan dhaca ay caddaysay inay been abuur tahay.

War qoraal ah oo ay soo saartay Talaadadii, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maria Zakharova waxay ku quursatay warbixinno iyo sheegashooyin toddobaadyo ka imanayey saraakiisha Maraykanka iyo Yurub ee ku saabsan in ciidammada qalabka sida ee Moscow ay saacado uun kaga harsan yihiin inay weerarro ku qaadaan deriskooda.

“15ka Febraayo 2022 waxay geli doontaa taariikhda sidii maalintii dacaayadii dagaalka reer Galbeedku ay fashilantay,” ayay qortay Zakharova oo ku faantay in reer Galbeedka la “ceebeeyey oo la burburiyey iyada oo aan la ridin hal xabbad.”

Isla mar ahaantaana, Wasaaradda Difaaca ee Moscow ayaa ku dhawaaqday in tiro ka mid ah ciidamada Ruushka ay soo gabagabeeyeen dhoolatuskoodii tababar ee isna ka soconeyey Belarus, oo ku dhow xadka Ukraine kana mid ahaa 3 meelood oo la saadinayey in laga weeraro Ukraine, ayna bilaabi doonaan habkii bixtaanka.

NATO ayaa arrintan uga jawaabtey si taxaddar leh iyadoo sheegtay inay qabto rajo kooban balse aanay tillaabadani weli ahayn mid xaaladda si buuxda u dejinaysa.

RW Jarmanka ee Olaf Scholz ayaa isna Moscow maanta gaarey si uu ula kulmo MW Ruushanka ee Vladimir Putin si xiisadda taagan si nabdoon loogu xalliyo.

Si kastaba, Ruushka ayaa tillaabadan haddii uu ka dhabeeyo ka faa’iidaya 3 arrimood oo kala ah:

1 – In uu reer Galbeedka ku caddeeyey inay been hadleen maadaama ay sheegeen inuu duullaan maaggan yahay.

2 – In ay u sahansan tahay xaalad cusub oo furaysa ifafaale cusub oo ah in haddii uu Ruushku berri go’aansado inuu ku duulo dal ka mid ah kuwa ologga la ah reer Galbeedka ama dal kalena aanay NATO si toos ah ugu soo bareeri doonin.

3 – In Ruushku uu ku naalloon karo inay ilaa xad ay soo noqotay cudud u dhow ama istaraatijiyad ahaan u dhiganta middii Midowgii Soofiyeeti ee burburay ee miisaanka la fuuli jirtey reer Galbeedka oo 30-kii sano ee tegey kaligood dunida ka talinayey.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media