”Hadda kaddib waan duqayn doonnaa maraakiibta shisheeye!” – Ruushka oo digniin soo saaray

0

(Moscow) 15 Feb 2022 – Ruushka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu weeraro maraakiibta ku soo xad-gudba soohdinta badda dalkaasi ee si sharci darro ah kusoo gala baddooda, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan millateriga Ruushka Isniintii.

Isagoo la hadlaya Golaha Federaalka, laba maalmood uun kaddib markii markab Ruushku leeyahay la sheegay inuu cayrsaday gujis nukliyeerka xambaara oo Maraykan ah oo marayey Badweynta Baasifigga gaar ahaan raxanta Pacific Fleet.

Stanislav Gadzhimagomedov wuxuu daaha ka qaaday in ciidammada qalabka sida ee waddankiisu ay heli karaan amarro ay kaga aargoosanayaan haddii la jebiyo qiyamka-dhuleed qaranka mustaqbalka dhow.

Gadzhimagomedov waa ku xigeenka Xadaxa Howlgallada Muhiimka ah ee Abaanduulka Guud. Si kastaba ha ahaatee, sarkaalku wuxuu xusay in go’aan kasta oo lagu eryayo loo qaadan doono heerka ugu sarreeya ee maamul, sida ay daabacday Vedomosti.

Warkan ayaa daba socda kaddib markii 12-kii Febraayo ay Wasaaradda Difaaca Ruushku ay ku dhawaaqday in markab kukliyeerka qaada oo Mareykan ihi uu iska dhega mariyey digniinihii loo diray isagoo ku sugan dhul-badeedka qaranka Ruushka ee jasiiradaha Kuril ee Bariga Fog ee dalka, taasoo keentay inuu eryado markabka ‘Marshal Shaposhnikov’, taasoo ay Ruushku ku tibaaxeen “tillaabadii haboonayd” ee badooda looga saarayey markabkaa qalaad.

Yeelkeede, sarkaalkan ayaa qiray in “Maraykanku uu Ruushka uga fiican yahay laba dhinac oo ah tirada maraakiibta dagaalka ee uu haysto iyo awoodda fal-celineed ee uu u leeyahay ka jawaabista weerar lagu qaado”, gaar ahaan waxa loo yaqaan ”garaacista 2-aad”, sida uu qabo Gadzhimagomedov oo Golaha Federayshinka u sharraxayey sababta aysan tillaabo u qaadin markaasi.

Hadalsame Media