DEG DEG: Ruushka oo ku dhawaaqay tillaabo lama filaan ah oo weji gabax ku noqonaysa Galbeedka

0

(Moscow) 15 Feb 2022 – Ruushka ayaa war lama filaan ah kasoo saaray xiisadda Ukraine isagoo sheegay in qaar ka mid ah ciidamadiisa laga saarayo xadka Ukraine oo dib loogu celinayo xeryahooda taasoo noqon karta calaamadii ugu horeysay ee daminta xiisadda ee ka timaada Putin – ama xitaa mid kale oo ka mid ah khiyaanada ninka xoogga badani samayn karo kahor weerar dhaca.

Wasaaradda Difaaca ee Moscow ayaa maanta sheegtay in cutubyo ka tirsan taliska millateriga Koonfurta iyo Galbeedka – oo ka kooban Crimea iyo gobolka xudduudda ee Ukraine – lagu rarayo tareennada iyo gaadiidka waddooyinka oo ay guurayaan iyagoo ‘dhammaystirtay hawshooda’ kaddib dhoollatus tababar ahaa.

Laakiin fariintaasi waxay aad u khilaafsan tahay warbixino sirdoon oo ka soo baxayey Washington habeennimadii xalay ahayd oo ay ku sheegeen in ciidamada Ruushka laga oo soo raray meelihii u dhowaa soohdinta oo la geeyey ‘goobo weerar’ – iyaga oo kaliya sugaya amar ay kusoo galaan dalka Ukraine ‘dhammaadka todobaadka’.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa isku dayday in ay digniinahaas ku tilmaantay ‘dacaayad dagaal oo been ah’, iyada oo sheegtay in xulafada reer Galbeedka ‘la burburiyay oo la ceebeeyay iyada oo aan hal xabbad la ridin’.

Laakin Wasiirka Difaaca ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa ku doodaya in dhab ahaantii ay tahay dadaalka Ukraine iyo reer Galbeedka u galeen ka fogaanshaha dagaal midka Putin ku khasbay in uu dib u laabto, isagoo sidoo kale ka digay in ka bixitaanku aanu noqon sida uu u muuqdo.

“Annaga iyo xulafadeennu waxaan ku guuleysannay inaan ka hortagno Ruushka wax kasta oo sii kordha,” Kublea ayaa yiri Talaadadadan kahor inta uusan ka digin: “Waxaan leenahay sharci: ha rumaysan waxaad maqasho, rumayso waxaad aragto. Markaan aragno ka bixitaan, waxaan rumeysan doonaa in xiisaddii hoos loo dhigay.’ ayuu raaciyey.

Si kastaba, Ruushka ayaa haddii uu sidan ka dhabeeyo weji gabax ku ridaya reer Galbeedka oo horay u sheegay inuu duullaan soo qaadayo.

Hadalsame Media