Kenya oo Somalia ka doonaysa inay ogolaato arrin ay iyada lafteedu horay uga gilgilatey!

0

(Nairobi) 14 Feb 2022 – Bishii Maarso ee 2020 Dowladda Kenaya ayaa Garoonka yar ee Wilson ee magaalada Nairobi ku diyaarisay ciidan booliis ah si ay u xirxiraan Xildhibaano laga soo doorto Maamullada Mandheera iyo Wajeer oo safar ku tegey magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadaas ayaa la kulmay DF Somalia si wax looga qabto xiisad xilligaa ka oognayd Mandheera oo ay haatan Kenya u taliso iyo Beled Xaawo oo Somalia ka tirsan.

Kenya waxay Xildhibaannada ku haysatey inay ku xadgudbeen madaxbannaanida gayi ee Kenya iyo inay dal qalaad ula tageen arrimaha gudaha ee Kenya.

Yeelkeede, haatan waxaa Nairobi looga yeeray dhammaan Xildhibaanadii Kismaayo laga soo xushay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo iskugu jira labada aqal ee Baarlamanka DF Somalia, iyadoo la sheegayo inay kulamo la qaadanayaan madax ka tirsan Dowladda Kenya (wararka qaar ayaa xitaa sheegaya inay la kulmayaan Sirdoonka Kenya ee NIS) si loogu far muuqo musharraxa ay Kenya doonayso.

Haddaba, arrintan ayaa muujinaysa in Kenya aysan Somalia ula dhaqmaynin sidii dal isna leh arrimo gaar ah oo ay waajib tahay in la ixtiraamo, iyadoo ka faa’iidaysanaysa dad Somalia xilal ka qabanaya oo aan qaarkood xitaa la aqoonin waxa ay yihiin ama cidda ay u diran yihiin, taasoo marka lagu daro hoggaan xumida iyo tafaraaruqa gudaha Somalia ka taagan aan dalka u saamixi doonin inuu ka boxo saxariirta taagan.

Tifaftirka

Hadalsame Media