”Inaan Ruush la dagaallanno waxaan ka xignaa inaan NATO ka baxno!” – Codayn yaab leh oo laga qaaday dadka Maraykanka

0

(Hadalsame) 14 Feb 2022 – Shacabka Maraykanka ayaa muujiyey inay si adag uga soo horjeedaan in askarta Maraykanka loo diro dalkaasi Ukraine si ay ula dagaallamaan Ruushka oo ay difaacaan madaxbannaanida Kiev, sida ku cad ra’yi ururin cusub oo shaaca laga qaaday.

Sahankan oo ay sameeyeen Economist/YouGov ayaa wuxuu muujiyayaa in kaliya 13% dadka qaangaarka ah ee Maraykanku ay rumeysan yihiin inay “fikrad wanaagsan” tahay in Ukraine la geeyo ciidamo kula dagaallama Ruushka gudaha Ukraine.

Dhab ahaantii, taageerada howlgal dagaal oo ka dhaca albaabka Moscow waa mid aad u hooseeya oo in ka badan 17% dadka Maraykanka ayaaba doorbidaya ka bixitaanka NATO marka loo eego dagaal ay la galaan ciidamada Ruushka, taasoo dabcan ka badan inta qabta in Ukraine loo gurmado oo a 13% oo qura.

Sahanka ayaa sidoo kale lagu ogaaday in 55% dadka Maraykanku ay aaminsan yihiin in ciidamo dagaal loo diro Ukraine ay tahay “fikrad xun”, halka 33% aysan hubin.

Natiijooyinka ku saabsan ra’yiga dadweynaha ayaa imaanaya iyadoo Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ay wacad ku mareen inay cunaqabateyn adag ku soo rogi doonaan Moscow – laakiin aan Ukraine la gayn doonin ciidamadooda – haddii Ruushka uu soo galo Ukraine.

Lataliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Joe Biden, Jake Sullivan, ayaa ku celiyay Axaddii in Ruushku uu diyaar u yahay inuu weeraro Ukraine daqiiqad kasta wixii haatan ka bilowda.

Hadalsame Media