Imisa bilood ayay Cabdikarin Faarax Qaarey Jiir ku qaadatay inuu helo laxanka Heesta Beledwayn?!

0

(Muqdisho) 14 Feb 2022 – Waxa shalay Isbitaal Digfeer ku geeriyooday mulaxankii weynaa ee Cabdikarin Faarax Qaarey Jiir. Cabdikariim Jiir oo horraantii afartamaadkii ku dhashay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug wuxu kamid ahaa udub-dhexaadkii fanka iyo suugaanta Soomaliyeed.

Wuxu khabiir ku ahaa codaynta ama laxanka heellooyinka iyo heesaha, waxaanu ahaa nin waddaniyaddu aad ugu weyn tahay. Heesta Beledweyn ee Hadraawi ee uu laxankeeda sameeyey oo keli ah baa kaaga filan fankii iyo hibadii Abdikariin Jiir.

Mulaxanka oo dhowaan iiga sheekeeyey qisadii Beledweyn wuxu igu yidhi “3 bilood baan u fikirayey codaynta heesta Beledweyn, maalintii ay soo baxday baan Hadraawi iyo Gaariye ugu imi maqaaxi ku oolli jirtay Dabka iyada oo heestii socoto oo aan hal qof cuntadii hortaalay cunayn ee heesta la wada dhegeysanayo.

Hadraawi ayaa istaagay oo farxad darteed dhabarka ul yar igaga dhuftay”. Abdikarin Jiir boqolaal kale oo Beledweyn oo kale ah oo aad maalin walba dhegeysato ayuu laxanka u sameeyey.

Cabdikarim wuxu ahaa kayd, maskax iyo aqoon. Waxan tacsida la wadaagayaa qoyskiisii, qaraabadiisii iyo guud ahaan bahda Fanka iyo Suugaanta ee uu ka baxay macalinkoodii. Ilaahay ha u naxariisto Abdikarim Faarax Qaarey (Cabdikarim Jiir).

Waxaa Qoray: Cusmaan Dubbe

Hadalsame Media