Gabar Soomaali ah oo ku baxday gacanta nin shisheeye ah oo ay ka diiddey xiriir jacayl (Dhegeyso)

0

(Kuala Lumpur) 14 Feb 2022 – Allaha u naxariistee gabar Soomaali ah oo kamid ahayd Soomaalida ku nool magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa shalay lagu diley magaaladaasi.

Gabadhan oo ku jirtey da’da 20-meeyadana lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa waxaa lagu diley meel aan ka fogeyn maqaaxi ay ka shaqeyn jirtay, waxaana dilkeeda lala xiriirinaya Nin u dhashay dalka Ciraaq oo dhowr jeer la sheegay inuu xiriir Jaceyl usoo bandhigtay.

“Allaha u naxariiste Dahabo waxa dilay Nin ay ka wada-shaqeynayeen maqaaxida, gabadhaasna waxa uu ku dilay sida ay xogta hore ugu soo tabisay jaaliyada Soomaalida kadib markii ay xiriir ka diiday, dhowr jeerna wuu ugu hanjabay dilkeeda,” ayuu yiri Maxamuud Cabdullaahi Bille oo kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Malaysia oo la hadlay VOA.

Gabadha marxuumadda ah ayuu intaa raaciyey inay inbadan ka cago-jiidaysey inay ninkan diley xiriir la samayso, iyadoo arrintan la ogaysiiyey Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Malaysia, iyadoo ay mas’uuliyiinta Safaaraddu kulan la qaateen Booliska gacanta ku haya kiiskeeda ee baarista wada haatan.

Hadalsame Media