”Carabta Aasiya waxay la safatay Somalia!” – Taageere Libyan ah (Somalia oo usoo baxday nus-dhamaadka & xulka ay ku dhacayso)

0

(Dubai) 14 Feb 2022 – Xulka K/kolayga Somalia ayaa shalay usoo gudbey nus-dhamaadka Tartanka Carabta ee ka soconaya Dubai, kaddib markii ay 92 & 88 uga badiyeen Xulka Libya.

Somalia oo ku badisay 3 jeeso ayaa sida uu qirayey weriyihii ciyaarta tebinayey aad uga maajisay dadkii ciyaarta daawanayey, iyadoo weliba ku fiicnayd dhinacyada daafaca iyo dhalinta 3-dhibicleeyda, iyadoo samaysay 19 dhalin oo 3-pointer ah.

”Somalia bandhiggan way uga yaabisay taageerayaasha”, ”Xulka Somalia waxay dadka dhami maanta ku ixtiraamayaan bandhiggan cajiibka ah ee uu sameeyey, gaar ahaan dhanka daafaca.” ayuu lahaa weriyihii Carbeed ee ciyaarta soo duwayey.

Somalia oo labadii kulan ee bilowga ahaa laga adkaaday ayaa sida ugu soo baxday nus-dhamaadka Lubnaan oo horay uga soo badiyey iyo Urdun oo maanta ciyaaraya.

”Carabta Aasiya waxay la safatay Somalia. Waana naqaan sababta!” ayuu ku dooday taageere Libyan ah waloow uusan sharrixin sababta uu sidaa ugu fikirayo. Libya ayaa dabcan ka mid ah Carabta Afrika.

Somalia oo aan muddo dheer soo gaarin nus-dhamaadka tartanka wiilasha Carbeed, ayaa haddii ay badiso kulanka xiga waxay usoo baxaysaa final-ka tartanka oo lagu wado in lasoo abyo Arbacada oo ay bishu ku beegan tahay 16, halka Somalia ay ciyaarayso berri oo Talaado ah i/A.

Hadalsame Media