4 khalad oo ka muuqda warkii uu booliisku kasoo saaray arrinta Muudey

0

(Hadalsame) 14 Feb 2022 – Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliiska Sooomaaliyeed (SPF) ayaa fasiraad ka bixiyey sababta Cabdiweli Muudey shalay looga celiyey Garoonka Aadan Cadde.

Ninkan afhayeenka ah ayaa ku doodaya in Muudey uu watey ”ciidan fara badan” sida uu yiri, taasoo uu sheegay inay kasoo horjeeddo sharciga u degsan ilaalinta ammaanka dadka tartamaya oo ah inay wataan 4-5 askari oo ah ilaalo gaar ah.

Hadalka afhayeenku wuxuu muujinayaa 4 arrimood:

1 – Warkani runna maaha cadaaladna maaha, waxa uuna ka hor imanaya xaqiiqada jirta iyadoo ay waqti xaadirkan gobollada ku sugan yihiin rag sharraxan oo wata ciidamo fara badan min Jowhar, Beledwayne ilaa Dhuusamareeb.

Qaarkood waxay weliba wataan ciidamo ay leedahay DF Somalia oo iskugu jira noocyo kala duwan, kuwaasoo lagu soo saarayo dad gaar ah.

2 – Booliiska oo ku milmay siyaasadda sidaa darteedna ku shaqaynaya aragti siyaasadeed oo uu wato qof gaar ah, halkii ay noqon lahaayeen xirfadleyaal daacad u ah dalka ammaankiisana u suga si aan kala jeclaysi iyo tooxsi lahayn.

3 – Afhayeenka iyo cid kasta oo ra’yigaa usoo dhiibtey oo dabcan ah taliska Booliisku kama xishoonin garashada iyo garaadka ummadda Soomaaliyeed waxaana ceeb ah in ummada sidan loola hadlo oo bishii oo bari kasoo jeedda galbeed looga tilmaamo.

4 – Muudey kahor cid maqashay ma jirto in dadka tartamaya loo ogol yahay 4-5 askari, haddii ay sidaas tahayna waa arrin kusoo laabanaysa isla booliiska iyo cid kasta oo arrintan ogayd lafteeda waayo sharci aan cid kale ku dhaqmin in Muudey kaligii lagu qaado cadaalad iyo waaqici midna maaha.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media