”Wadna ayaa aad u garaacmay oo xanuun ayuu dareemay markii la warxumeeyey siyaasi uu taageerayey!”

0

(Hadalsame) 13 Feb 2022 – Wuxuu ka dagaallamayaa furin aad u ballaaran. Ma nasto oo wuxuu raadiyaa meel reerkiisa wax looga sheegay si uu jawaab munaasib ah uga bixiyo.

Qaraabadu geesinimadiisa ma mooga oo habeen iyo maalin taleefankiisu ma demo oo intaas waxaa loo soo sheegaa wixii la doonayo in laga jawaabo. “Maxaad idinku uga jawaabi weydeen” ma yiraahdo oo taasi wax nin tol ah lagula hadlo maaha.

Siyaasiyiinta reerkiisa uma haysto inay nebiyo yihiin. Laakiin kolley in caydoodu dembi weyn tahay wuu og yahay. Xalay ayuu meel makhaayad ah saacad ku difaacayey nin reerka siyaasi u ah oo maalmahaas warkiisa la wadwadey. Dadkii meesha fadhiyey hadal xumo ayaa kala gaartay isaguna xanaaq, wadna-garaac iyo indhihii oo casaaday ayuu meeshii kala soo kacay.

Markuu gaariga soo fuulay, ayuu is weydiiyey sababta uu intaas oo hawl ah ugu marayo nin ka hanti badan, oo aanay si fiican isu aqoon oo aan weligiis wax tarin. Wuxuu soo xasuustay in waagii uu yaraa uu aabihiis sidaas habeenkii u soo noqon jirey isagoo indha casaad iyo xanaaq ka muuqdaan. Aabihiis wuxuu difaaci jirey siyaasiga hadda uu difaacayo aabihiis oo lixdanaadkii iyo todobaatanaadkii reerka siyaasi u ahaa.

Wuxuu is yiri maxaa adiga iyo aabahaa idinku intixaamay inaad niman kale oo danahooda u nool idinku difaacooda u noolaataan. Haddana intuu acuudu billaystay, oo garabka bidix saddex goor candhuuf u tufay, ayuu is yiri hawlaha reerku waa muqaddas.

Mar wuxuu soo xasuustay in Hindiduba dabaqado kala leeyihiin oo ninkuu awoowahaa dharka u dhaqi jirey aad adiguna dharka u dhaqaysid. Haddana wuxuu is yiri maxaa horta waswaaska kugu wata ma adigaa Hindi ah, soow adiga laandheeraha ah oo tolka furinta ugu jira.

“Ma aragtay waxa Twitterka lagu soo qoray?” Mid ayaa hadda WhatsApp ugu soo diray. Jihaadku waa socdaa”.

W; Q: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media