”Waad ka badbadinaysaan dalabkaygiina ma aadan fulin!” – Muxuu Putin shalay ku yiri Biden?

0

(Hadalsame) 13 Feb 2022 – Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay dhiggiisa Mareykanka Joe Biden Sabtidii in Mareykanku aanay tixgalinin walaacyada muhiimka ah ee ammaan iyo in Moscow ay dhowaan jawaab bixin doonto. Waxa kale oo uu cambaareeyay sida “ay uga badbadinayaan” xaaladda ku xeeran khilaafka Ukraine laakiin wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaashu ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wadahadalka, sida kasoo baxday Kremlin-ka.

Isaga oo hadlaya kaddib wadahadallo cusub oo taleefoon oo dhex maray Putin iyo Biden, lataliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Kremlin Yury Ushakov ayaa isna sheegay in Maraykanku uu isagu codsaday in la qabanqaabiyo wadahadalka taleefanka ee u dhexmaray Biden iyo Putin Sabtidii in kasta oo wicitaanka noocan oo kale ah markii hore la qorsheeyay Isniinta.

Labada hoggaamiye ayaa hadlay kaddib markii Washington ay ka digtay in duullaan dhan walba ah uu bilaaban karo “daqiiqad kasta.” Ushakov wuxuu ka cawday sheegashada Maraykanka, isagoo tibaaxay in Maraykanku xitaa sii daayay “taariikhda duulaanka Ruushka.”

“Ma fahmin wararka been abuurka ah ee ku saabsan ujeeddadayada in loo gudbiyo warbaahinta,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Waxa uu xusay in Putin uu mar kale ka cawday in reer Galbeedku ay hubeynayaan Ukraine islamarkaana maamulka Kyiv ay “wiiqayaan” heshiisyo nabadeed oo ay reer Galbeedku garwadeen ka ahaayeen si loo soo afjaro colaad sannado badan ka socotey bariga Ukraine.

Ruushku waxa uu reer galbeedka ka dalbanayaa dammaanad amni oo ay ku jirto in ciidamada NATO laga saaro bariga Yurub iyo in aanay waligood isku fidin Ukraine.

Washington ayaa si cad u diiday dalabaadkaasi iyada oo soo bandhigtay in ay Moscow kala hadasho heshiis cusub oo hubka Yurub lagu xakamaynayo.

Hadalsame Media