DF Somalia oo ka qayladhaamisay arrin walaac ku haysa Soomaalida & hal dal oo usoo hiilliyey

0

(Muqdisho) 13 Feb 2022 – Soomaaliya ayaa ku boorrisey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR in ay si degdeg ah u baarto dhimashada 5 ka mid ah muwaadiniinteeda oo qabow ugu dhintay meel u dhow xadka Giriiga iyo Turkiga horraantii bishan.

Shanta qof ee Soomaalida ah ayaa ka mid ahaa 12 qof oo markii hore la helay iyagoo barafoobey bishii Febraayo 2. Dhimashada ayaa iminka gaartey 19 kaddib markii maydad kale la helay.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa si murugo leh loogu wargaliyay in muhaajiriintii laga helay iyagoo barafoobay xadka Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen shan qof oo Soomaali ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay dhibaatadii soo gaartey shakhsiyaadkaasi, ayna ka murugeysan tahay. Waxay tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha iyo eheladooda.

Muqdisho waxay dalbatay in dalalka ay khusayso iyo QM ay dabagal iyo baarid deg deg ah ku sameeyaan xaaladaha ku xeeran dhimashadan waxaana lagu cambaareeyay “ereyada ugu adag ee suurtagalka ah ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, sharafta aadanaha iyo badbaadada nolosha aadanaha si waafaqsan” Axdigii Geneva ee 1951-kii ee la xiriira qaxootiga.

Turkiga ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in ay baaritaan ku sameeyaan dib u celinta Giriiga ee muhaajiriinta aan caadiga ahayn iyo qaxootiga kaddib markii ugu yaraan 19-kan qofi ay ku dhinteen meel ku dhereran xadka labada dal.

“Midowga Yurub waa uu ka aamusaa dhaqamada naxariis darada ah ee Giriiga ee ka dhanka ah muhaajiriinta aan joogtada ahayn, wayna dhagaha ka fureystaan ​​baaqyadeenna,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkigu ku tiri Twitter-ka.

“Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay baaraan falalka Giriiga ee ka dhanka ah xuquuqul insaanka, isla markaana ay ku muujinayaan in aysan dan ka lahayn falalkan foosha xun,” ayay wasaaraddu ku dartay.

Hadalsame Media