Dalka Imaaraadka oo matoorro nooc cusub ah ku rakibaya dayuuradihiisa shidaalka hawada ku bixiya & sababta ka dambaysa

0

(Hadalsame) 13 Feb 2022 – Imaaraadka Carabta ayaa leh shan diyaaradood oo nooca booyadda ah ee Airbus A330 ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay ku rakiban yihiin kuna shaqeeyaan matoorrada Rolls-Royce.

Yeelkeede, laba kale oo isla noocan ah ayaa lagu xirayaa matoorka loo yaqaan Trent 700, kaasoo ay samaysay isla Rolls-Royce oo sheegtay in mishiinku uu 100 dalab oo kale helay. Sida ku cad macluumaadka ay bixisay shirkadu, Trent 700 wuxuu bishii shaqeeyaa 700,000 oo saacadood.

Trent 700 waa xalka haatan la doorbido dhanka diyaaradaha xamuulka millateriga. Waayo waxaa lagu yaqaannaa inuu hawada ku sameeyo raad aad u hooseeya oo infrared ah, maadaama uu qaaciisu aad u yar yahay, taasoo ka caawinaysa inaysan raadaaraddu horay ka arkin iyo hufnaanta howshiisa oo 10% ka wanaagsan matoorradii hore.

Marka loo eego sifooyinkiisa, mishiinkani wuxuu kaloo leeyahay xal tignoolajiyadeed oo yareeya isticmaalka shidaalka, aad ayuu u aamusan yahay marka loo eego matoorrada aynigiisa ah.

Jay Dagher, Madaxweyne Ku-Xigeenka, Horumarinta Ganacsiga Difaaca – Bariga Dhexe ee Rolls-Royce ayaa sheegay in Rolls-Royce ay siisay taageero la isku halleyn karo imaaraadka oo uu ku sheegay suuq aad muhiim ugu ah shirkadda.

Hadalsame Media