Wax badan ka baro halka ay salka ku hayso aragtida jinsiga ku dhisan & dhibaatada ku jirta!

0

(Hadalsame) 12 Feb 2022 – Waxaa baraha bulshada horay uga buuxey haween Soomaali ah oo inta badan ragga wax ka sheega, waxaana haatan kusoo biiray rag iyaguna dumarka maagaya, taasoo ah dhaqan aan horay shaac ugu ahayn gudaha Soomaalida.

MISOGYNY [Dhawaqa Ereygan oo Afsoomaali ah waa MISAJONI]. Asalkiisu waa 2 erey oo Greek ah (Misos: Nacab + Gunē: Dumar. Nacab Dumar). Bartamaha Qarnigi 17aad ayaa ereyga Misogyny lagu daray Qaamuuska English-ka.
Hadaba, waa kuma misogynist?

Waa qofkasta oo nacab qota-dheer u qaba guud ahaa jinsiga dheddiga/dumarka. Wuxuu hilmaamaa in noloshu ka bilaabato lamaane ay lafdhabar u tahay HOOYO oo haween ah. Uma kala soocna dumarka ee ficil/qowl ayuu ku muujiyaa in dumarku haba-yaraato e aysan wax mudnaan ah lahayn.

Astaamaha Misogynist-ga lagu garto: waa keli. Marna ma sheego hal wax oo ay hablaha ku wanaagsan yihiin. Wuxuu abaabulaa qorsheyaal dumarka lagu daciifinayo. Ugu dambeyn haduu waayo cid ku ra’yi ah wuxuu u xuubsuubtaa inuu dumarka waxyeeleeyo.

Dalalka horumaray dembi bulshada ka dhan ah ayay u aqoonsadeen; shuruuc xeer-ciqaabeed wadata ayaana uga degsan walow Psychology/Cilmu-nafsiga uu noo sheegay in 44% Misogyny-gu yahay cudur dhimirka ku dhaca.

Waxaa iyana jirta MISANDRY?

Misandrist, waa qofka nacab fog u qaba jinsiga labka/ragga. Wax kasta oo xumaan ah ragga u nisbeysa isla markaana door dembi-ka-daahir ama macsuum ka dhigta dumarka.

Maadaama in badan oo huwan muuqa iyo magaca ragga ay tacadiyo iyo gabood-fallo u geysteen dumarka MISANDRIST waxay kusoo dhuumaataa Feminist balse farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya Misandrist & Feminist.

Halki ay juhdi ka gelin lahayd kobcinta muruqa iyo maskaxda haweenka kana hadli lahayd in si is-le’eg looga faaideysto fursadaha waxbarasho, mushaaraadka shaqo, matalaada siyaasad, kahor-tagga & dabar-goynta tacadiyada, iwm Misandrist waxay keliya ka sheekeysaa xumaha ragga.

Si fudud oo aad ku kala fahmi kartid farqiga u dhexeeya feminist & misandrist:
Feminist: waxay la hadashaa dumarka.
Misandrist: waxay ka hadashaa ragga.
Ugu dambeyn, halka uu misogynist-ga waxyeelo physical ah ka geysto misandrist iyadana waxay jidgooyo u dhigataa taranka aadanaha. Waxay shaki iyo cabsi mustaqbal gelisaa ubaxa soo koriya ee istaahila inay nolosha lamaane ku noqdaan.

Labadaan waxay halis ku yihiin nolosha iyo taranka aadana waxayna mudan in bulshada laga dhex saaro oo la geeyo xabsi ama cusbitaalka waallida.

W; D: Liibaan Cabdi

Hadalsame Media