Sirdoonka Galbeedka oo taariikh cusub u qabtay ”duullaanka Ruushka” ee Ukraine & meel aan Ruushka lagu gaarin (Maxay samayn karaan Galbeedku haddii uu weerar dhaco?)

0

(Hadalsame) 12 Feb 2022 – Warbaahinta reer Galbeedka oo horay u saadaalisay in Ruushku uu Ukraine weerari karo 20-ka bishan ayaa markan waxay sheegayaan inay weeraradu bilaaban karaan Arbacada soo socota oo ah 16-ka bishan. Moscow ayaase si isdaba joog ah u beeninaysa jiritaanka qorshayaal lagu weerarayo deriskeeda.

Der Spiegel ayaa Jimcihii sheegtay in CIA-da iyo millateriga Maraykanku ay uga digeen Jarmalka iyo xubnaha kale ee NATO ah in Ruushku isku diyaarinayo inuu weeraro deriskooda 16-ka Febraayo.

Sida laga soo xigtay majaladda Jarmalka ah, Maraykanku wuxuu qeexay cutubyada gaarka ah ee Ciidanka Ruushka ee ka qayb qaadan doona duullaanka, iyo waddooyinka ay isticmaali doonaan. Si kastaba ha ahaatee, wali “macquul maaha,” si kastaba ha ahaatee, in la go’aamiyo in weerarku uu dhow yahay, ayuu qoray Der Spiegel.

Yeelkeede, majaladda, ayaa sidoo kale soo xigatey “il gudeed” aan la magacaabin oo sheegaysa in laga yaabo in Washington ay si ula kac ah u faafinayso macluumaadkan si ay uga hortagto weerar suurtagal ah oo Ruushku qaado.

Wargeyska Politico hoos taga ee NatSec Daily ayaa si la mid ah isna u soo xigtay wax lagu sheegay ”ilo xog ogaal ah” oo sheegaya in madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden uu uga digay hogaamiyayaasha reer galbeedka mar uu Jimcihii shalay khadka taleefoonka kula hadlay in Moscow ay Ukraine weerari karto 16-ka Febraayo.

Dhowr sarkaal oo Maraykan ah ayaa u sheegay majaladda in Ruushku uu qaadi karo “duqeymo badan oo gantaallo ah” iyo weeraro dhanka internetka ah, kahor inta aanu qaadin duullaan ciidan oo dhulka ah.

Xogo kale oo sirdoon oo Maraykan ah oo ay MBC soo xiganayso ayaa sheegaya in Maraykanka oo haatan Belarus ka wada dhoollatus socon doona 10 maalmood oo kale islamarkaana maraakiib u diray Badda Black Sea uu 10 furumood kasoo weerari doono Ukraine. Xogo haatan soo baxaya ayaaba sheegaya in Ukraine la weerari karo daqiiqad kasta haatan.

Ruushka oo ay ciidamadiisu rigli iyo kayd dhan yihiin 3.5 milyan ayaa wata 13,000 oo taangi mana jiro dal dunida oo taa ku gaaraya, wuxuu sidoo kale leeyahay 27,000 oo ah gaadiidka gaashaaman iyo 4,465 madaafiicda waawayn ah taasoo uu kaalinta 1-aad uga jiro.

Haddii lacalla uu Ruushku weerar ku ekeeyo Ukraine, uma badna in reer Galbeedku ay iyagu kasoo garab dagaallami doonaan Ukraine marka laga reebo inay siiyaan taageero ama ay cunaqabateeyaan Ruushka oo sidoo kale haysta hub istaraatiji ah oo aan sidaa darteed lagu degdegi karin.

Hadalsame Media