”Ruushku daqiiqad kasta ayuu weerar soo qaadi karaa!” – Dal reer Galbeed ah oo durba ciidamadiisii kala cararay Ukraine (Xog cusub)

0

(Hadalsame) 12 Jan 2022 – Dhamaanba ciidamadii UK ee ku sugnaa ayaa iskaga baxaya Ukraine todobaad dhamaadkan jeer uu Ruushku weerar ku qaadi karo “isagoo aan cidna ogaysiin”, sida ay sheegtay WG UK.

Waxaa halkaa UK ka joogey ciidamo kooban oo tababar siinayey ciidamada Ukraine tan iyo markii uu Ruushku qabsaday oo goostay Crimea 2014, waxaana ka mid ah 30 sarkaal oo dhowaan halkaa la geeyey si ay ciidamada dalkaasi u baraan gantaalaha lidka tawaangida.

Go’aanka ay kusoo baxayaan ciidamadan ayaa raacsan mid dhammaanba dadka British-ka ah lagu faray inay kasoo baxaan Ukraine sida ugu dhaqsaha badan.

Ilaa 130,000 oo askari oo Ruush ah ayaa hoganaya xadka Ukraine iyadoo uu La Taliyaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Adviser Jake Sullivan, uu Jimcihii shalay ka digey in weerar uu “qarka soo saarraan karo”.

MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa doonaya inuu dhiggiisa Ruushka ee Vladimir Putin ku boorriyo inuu xaalka dejiyo maanta oo Sabti ah, waloow uu Ruushku ilaa haatan dafirayo inuu weerar la maaggan yahay deriskiisa galbeed.

Ciidamada Ukraine ka cararaya ayaa muujinaya sida ay Galbeedku Ukraine u gelinayaan dagaal aysan uga maciinayn. UK ayaa ku marmarsoonaysa in Ukraine ay is difaaci karto.

Hadalsame Media