Ruushka oo Ukraine 3 meel ka hareereeyey (Madaxda Maraykanka & Ruushka oo wada hadlay)

0

(Moscow) 12 Feb 2022 – In ka badan 100,000 oo askari oo Ruush ah ayaa hoganaya xadka bari ee Ukraine todobaadyadii ugu dambeeyey, iyadoo uu weerar dhici karo sida ay qabaan ilaha sirdoonka Galbeedku.

MW Maraykanka iyo Ruushka ayaa telefoonka goordhow ku wada hadlay wax u eg tillaabadii ugu horreeysey ee dagaal lagu baajinayo.

Ruushka ayaa la sheegayaa inuu haatan 3 dhinac ka hareereeyey dalka Ukraine — dhanka Crimea ee koonfurta, dhanka xadka Ruushka intiisa kale iyo dhanka Belarus ee woqooyiga.

Ruushka ayaa diiradda saaraya dhanka gobollada gooni goosadka ah ee Donetsk iyo Luhansk, ciidamada Ukraine iyo maliishiyaadka Ruushku taageero ayaa hardan ku jirey tan iyo 2014-kii.

Hadalsame Media