Ruushka oo diblomaasiyiintiisa kala baxay Kiev & duullaan dhici kara (Galbeedka oo diiddan dalab sahlan & waxa ka muuqda dhiirranaanta Ruushka)

0

(Kyiv) 12 Feb 2022 – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imanaya dhanka Ukraine ayaa sheegaya in hadda kaddib saacad kasta uu dhici karo duullaan ka dhan ah dalka Ukraine.

Ruushka ayaa isna goor dhowayd wuxuu diblomaasiyiintiisa kala baxay Safaaradda iyo Qunsuladaha uu ku leeyahay Ukraine. Shaqaale yar ayaa lagu reebay Safaaradda Kyiv Qunsuliyadda Lviv oo sii shaqayn doona si ay ula xaalaan arrimaha deg degga ah, sida uu qorayo Wall Street.

Waxaa horay diblomaasiyiin ula baxay dalka Maraykanka iyo Israel, iyadoo ay astaamahani muujinayaan in weerar dhaca iminka aad looga yaabo.

Reer Galbeedka ayaa u muuqda kuwa Ukraine ku hoos tuuraya baska wayn ee Ruushka iyagoo diiddan halka dalab ee Ruushka ee keenay inuu ciidamadiisa soo dumo oo ah in aan Ukraine oo isaga deris la ah lagu darin NATO oo horay u laqday dalal badan oo Ruushku u talin jirey ama la olog ahaa.

Tan ugu daranina waxay tahay in haddii uu lacalla ugu dambayn dhaco weerar uu Ruushku ku qaado Ukraine aysan NATO diyaar u ahayn dagaal fool ka fool ah oo ay la gasho Ruushka si ay u difaacdo Ukraine, taasoo ka dhigan in Ukraine la hurayo oo la gelinayo xaalad laga fursan karo oo aan iyada dan u ahayn, haddii uu Ruushku qabsadana waxaa halkaa laga dhisi doonaa xukuumad dabadhilif u ah Moscow.

Dhanka kale, dhiirranaanta Ruushka ayaa muujinaysa in cududdii dunida oo dhanka Galbeedka u jiiftey 30-kii sanadood ee tegey ay markale miisaan korayso, marka xisaabta lagu daro in Shiinuhuna uu si ka dhow ugu sii xirmayo Ruushka.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

 

Facebook Comments