Midowga Yurub maaggan tillaabo ka culus midda Maraykanka (5 qolo oo si gaar ah loola socon doono)

0

(Muqdisho) 11 Feb 2022 – Kaddib goodintii Maraykanka waxaa iyaguna tillaabo taa ka daran qaadi doona Midowga Yurub, sida ku cad xog ku saabsan qorshayaal hoose oo soconaya.

Dad si gaar ah loola socon doono ayaa laga qaadi doonaa tillaabooyin iskugu jira safarrada iyo dalkugalka oo laga xannibo ilaa hantidooda oo la fariisiyo iyo dembiyo dagaal iyo kuwo xuquuqul insaan oo lagu soo oogo. Qaar baa sidoo kale dhalashooyinka laga xayuubin kari doonaa.

Muhiimaddu waa in ay liis ka soo saari doonaan dad ka kooban 5 qaybood oo u kala abla-ablaysan qaabkan:

1. Madaxda dalka kuwooda caddeyn loo helo in ay doorashada dibindaabyaynayaan ama musuqayaan.

2. Shakhsiyaadka amniga madaxda ka ah ee siyaasadda ku milma.

3. Shakhsiyaadka ka ag dhow madaxda sare iyo maamullada ee maamulayey dhaqaalaha doorashada misena ka macaasha ama musuqa.

4. Muwadiniinta EU ee haysta dhalashada dalal ururkaa ku jira ee musuq ama ku takrifal awoodeed ku lug yeesha.

5. Madaxda Maamul-gobaleedyada kuwooda caddayn rasmi ah loo helo inay doorashada boobeen ama wiiqeen habsami socodkeeda.

Liiska wuxuu haatan noqon doonaa mid gudeed marka hore, yeelkeede, haddii doorashada kaddib ay rabshado dalka ka dhacaan, kuwaas oo ay sabab u yihiin tallaabooyinka dadkaas lagu eedeynayo liiska waxaa laga dhigayaa mid shaacsan tillaabooyinkanna waa la qaadayaa, sida ku cad xogta uu helay Hadalsame.

Hadalsame Media