Fayrus halis ah oo laga dhiigayo indhaha & xubinta taranka oo ka dillaacay Ingiriiska (Qofkii ugu horreeyey oo dhintay & bahal laga qaado)

0

(London) 11 Feb 2022 – Qof reer Bedfordshire ah ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee Ingiriiska ugu geeriyooda qandhada Lassa, sida ay xaqiijisay Hay’adda Ammaanka Caafimaadka UKHSA oo arrintan u kuurgelaysa.

Qofkan dhintay oo aan haybtiisa qofeed la faafin ayaa ka mid ahaa 3 xubnood oo hal qoys ah oo dhowaan kasoo noqday Galbeedka Afrika.

Isugayn ahaan 11 kiis oo cudurkan jiirku keeno ah ayaa laga helay UK oo dhan iyadoo 3da kiis ee laga sheegay Bariga Ingiriisku ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee halkaa lagu arko tan iyo 2009kii.

Cudurkan oo aan wax astaamo ah lagu arkaynin 80% ka mid ah dadka uu ku dhaco islamarkaana faafa ayaa ilaa haatan qofkan uun diley dhanka UK.

Lassa wuxuu caan ka yahayNigeria — oo haatan fayruskan la tacaalaysa — iyo dalal kale oo xeebaha Galbeedka Afrika ah sida Liberia iyo Guinea.

Cudurkan ayaa laga qaadi karas marka uu qofku taabto cunto ama maacuun ay gaartey kaadida ama digada jiir cudurka qaba.

Cudurkan ayaa keeni kara qallal iyo qofka oo indhaha ka dhiiga, halka haweenku ay ka dhiigaan xubinta taranka, waxaana sidoo kale la isugu gudbin karaa dhecaannada jirka.

Cudurkan oo ay culimada saynisku bar garteen 1969-kii ayaa ka tirsan qoyska Arenaviridae, waxaana u dhinta 1% dadka qaada.

Hadalsame Media