Arrin u baahan wax ka qabasho deg deg ah oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe

0

(Garowe) 11 Feb 2022 – Saaka (shalay) Waxaan ka mid ahaa Warbaahintii raacday Madaxwayne Xu Xigeenka Dowladda Puntland ayadoo Madaxwayne Ku Xigeenku uu kormeerayay Dhisme cusub oo Isbitaalka magaaladu yeelanayo.

Wanu ka hor galnay Gudaha. Hadfaan galay Waxaa iga hortimi hooyo ilmahnaysa lehna “Madaxwaynaha miyaa Soo galaya?” Haa baan dhahay maama maxaa Ku helay?! Warqadna Gacanta ayay kuwadatay.

Gacantaan Ayaan Ka dhawacanahay lacagna ma haysto Qolada isbitaalka waa iidiideen inay isaaraan raajisada waxaana Halkaan u imi inuu isbitaalka yahay kii Dowladda sidaas baana u imi ee Madaxwyanaha ee geeya haygala hadlee.

Waxaan dhahay markuu soo galo baad la kumiye sug waana dhaqaaqay oo dhismihii madaxwyanuhu kormeerilahaa Aaday si aan Muqaalo uga duubo.

Howshii anoo ku jira qof dumar iyo laba nin ayaa ii yimi waxay i dhaheen “maxaad u duubaysaa isbitaalka?!” Waan u sheegay u jeedada meesha aan u imi iyo inaan ahaa Warbaahinta Madaxwaynaha la socota

Balse waxay si wadajir ah u dhaheen “jooji muuqaalka!” Anna waxaan dhahay halkani maahan meel gaar loo leeyahay ee waa isbitaalka guud ee bulshadu lahayd is maandhaafnay iyagoo Ciidan Dalbaday ay Ku amrayaan in aan isbitaalka bannaanka uga baxo.

Agaasimaha Waaxda Mediaha ee Xafiiska Madaxwayne Kuxigeenka oo aanu wada soconay Ayaan Xogtii lawadaagay anagii oo wadataagan ayaa nin askariya oo ay ah kuwa waardiya isbitaalka ila hadlay inta anaan u jawaabin ayaa Agasimihii Xafiiska Madaxwayne ku Xigeenka dhahay “maxaa dhacay?” Waa aamusay waana Dhaqaaqay.

Ixtiraam la’aanta lagu hayo dadka bukaanka ah ee Usoo aadaya isbitaalka hiilka Dad kale ee shaqada u imaanaya oo loo dhaqamayo si kabaxsan anshaxa Caadiga Intaasba Waxaa kulansaday dadka isbitaalka looga dhigay masuuliyiinta.

Inta hooyo Ku dul ooyaysa gudaha Hospitalka waa tiri intaa kabadan waxaan rajaynayaa in bukaanada danyarta ah Wasaaraddda Caafimaadku ay Xogtooda raadiso Dadkaan aan damiirka lahayd ee Jaakadaha cad cad iska qabana masuuliyad ma qaadi karaane si uun laga dhaho.

Hospitaal Garowe Waxaa uu ku yaal Caasimadii uma Qalmo inay ku dhex ilmeeyaan hooyin Danyar.

W; Q: Nadar Garaase

Hadalsame Media