Ruushka oo soo bandhigay raadaar cireed digniin hore bixiya oo casri ah (Duullimaad tijaabo ah)

0

(Moscow) 10 Feb 2022 – Qandaraaslayaasha difaaca ee Ruushka ayaa sameeyay tijaabadii ugu horeysay ee duulimaadka Beriev A-100 Premier, oo loogu talagalay inay bedel u noqoto diyaaradaha digniinta hore bixiya ee dhanka hawada ee Ruushka (AEW & C), shirkadda Rostec ayaa ku dhawaaqday Khamiistii.

Waa hannaanka Ilyushin Il-76MD-90A, taas oo sita raadaar cusub oo ah nooca Vega Premier oo kuwa dhijitaalka ah. Duulimaadkan tijaabada ah ayaa ahaa kii ugu horreeyay, iyadoo intii lagu guda jirey nidaamka ogaanshaha raadaarka ee masaafada dheer uu shidnaa, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

Diyaaraddu waxay muujisay inay nidaamyadeedu si caadi ah u shaqaynayaan inkasta oo shucaac kaah-fal ah oo elektromagnetic ihi uu kasoo baxayey raadaarka. Qalabka ku xiran raadaarka Premier ayaa sidoo kale u shaqeeyey sidii loogu talagalay, Rostec ayaa werisay.

Tijaabadu waxay xaqiijisay in “teknoolajiyada Ruushka ee loo isticmaalo in lagu dhiso nidaamyada AEW & C ay la siman yihiin waddamada hormuudka ka ah adduunka ee hannaankan adeegsada,” madaxa Vega, Vladimir Verba, ayaa ka faallooday.

“2022 waxaan qorsheyneynaa inaan dhameystirno tijaabooyinka duullimaadka iyadoo lasoo bandhigayo tijaabooyin cusub oo hannaanada hubka ah oo lala samaynayo hay’adaha dowladda.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media