Kenya & Jabuuti oo qarka u saaran inay heshiis ka gaaraan arrin ay ku kala tageen Somalia & Kenya

0

(Nairobi) 10 Feb 2022 – Wasiirka Ganacsiga Jabuuti wefdi uu hoggaaminayo ayaa bishan u ambabaxaya magaalada Nairobi si ay ugala hadlaan suuqa qaadka (miraa) ee Kenya oo ay isha ku heyso kaddib markii Soomaaliya ay xirtay soo galitaankiisa magaalada Muqdisho.

Kenya ayaa qorsheynaysa inay ugu yaraan 20 tan oo Miiraa ah u dhoofiso dalka Jabuuti maalin kasta, taasoo ah ku dhawaad ​​kala bar waxa loo iibgeeyo suuqyada Soomaaliya maalin kasta.

Booqashada wefdigan ee la qorsheeyay inay ku tagaan dalka Kenya ayaa niyad dhis noqonaysa kaddib markii ay mas’uuliyiintii Jabuuti ka baaqsadeen safarkan oo la filayay inay dalkaas ku tagaan sannadkii hore bishii Agoosto.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada ee Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) Kimathi Munjuri ayaa sheegay in 20 tan oo maalintii la dhoofiyo ay ku filan tahay in kor loo qaado dakhliga beeralayda oo uu soo gaarayay khasaare baaxad leh tan iyo markii uu xirmay suuqii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya 3 sano kahor.

”Waxaan filaynaa wefdigan labada maalmood ee soo socda. Jabuuti waxa ay noo noqon doontaa suuq muhiim ah marka loo eego in ay qaadan karaan tiro aad u badan oo ah waxa aanu maxalli ahaan soo saarno.” ayuu yiri Mr Munjuri.

Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa lagu waday inay booqdaan Kenya bishii Agoosto kaddib markii dhiggooda Wasaaradda Ganacsiga Kenya iyo Maamul-goboleedka Meru ay tageen dalkan Geeska Afrika si ay u raadiyaan suuq cusub.

Miraa farmer Andrew Ngare from Mbeere constituenc blows his cash crop in an afternoon breeze to keep it fresh after a two hours drive from his farm to downtown Nairobi where he sets up shop daily selling it to miraa traders in the city. August 2, 2018. Picture Kanyiri Wahito

Hadalsame Media