INTER MILAN VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Milano) 05 Feb 2022 – Waxaa caawa fiidkii Gegada caanka ah ee San Siro ku ballansan camaaliqooyinka ku xafiiltama Milano, sidoo kalena ka mid ah kooxaha waawayn ee Talyaaniga iyo qaaradda Yurub.

Kulankan oo ah todobaadka 24-aad ee wareegga 2-aad ee Serie A ayaa waxaa dhibco muhim u ah cidda qaadi karta Horyaalka ku coltami doona kooxaha Inter Milan vs AC Milan.

Dhanka Inter: Wax dhaawac ihi lama gudboona waxaana weerarka lamaane ku ah Dzeko-Lautaro, iyadoo lagu wado inuu Sanchez gadaal kasoo galo. Dhanka midig waa Dumfries. Inuu safan karo Caicedo oo dhowaan kusoo biiray kooxdan ayaa shaki ku jiraa.

Dhanka Milan: Ibra, oo murqaha ka sheeganaya inta badanna dhaawac ahaa sanadkan iyo kii hore ayaa maqnaan kara, sidoo kale Ante Rebic: Waxay taasi boos siinaysaa Giroud.

Macallinka Milan ayaa doonaya inuu Kessie ka dheelsiiyo lambarka 10-aad si uu u fariisiyo Diaz. Baalasha Saelemaekers ayaa fooska ka xiga Messias. Tomori waa soo noqday balse wuxuu ku bilaabanayaa kaydka. Lazetic oo bishii hore yimid wuxuu fadhiyaa kaydka.

AAN LA HELI KARIN

  • CORREA
  • GOSENS
  • KJAER
  • TOURÉ DANCE
  • IBRAHIMOVIC
  • REBIC

Hadalsame Media