Dood ka dhalatay qoraal laga sameeyey sariirta MW Liberia oo xiisad siyaasadeed dhalisay & xaaska oo ka xumaatay

0

(Monrovia) 05 Feb 2022 – Ninka qoray taariikh-nololeedka MW Liberia ee George Weah ayaa lagu qabtay xadka dalkaasi iyo Siera Leone kaddib markii uu qoray in Marwada 1-aad ee dalkaasi, Clar Marie Weah, aanay ku qanacsanayn in madaxwaynuhu uu ka sheekeeyey bandhigga ay ka samayso qolqolka oo uu ku tilmaamay ”sababta uu uga doortay haweenka kale.”

Isaac Vah Tukpah ayaa la qabtay mar loo malaynayey inuu ka baxsanayey dalkiisa isagoo horay iskaga casiley xil agaasime oo uu u hayey ninka ugu firfircoon mucaaradka ee Alexander Cummings, oo Weah ku eedeeyey inuu bahdilo haweenka”, islamarkaana raalli gelin ka bixiyey qoraalka buuggiisa.

“Tukpah ma aha nin la doondoonayo (wanted), halisna uguma jiro in la xiro waana u xor inuu safro, waloow tillaabo sharci ah laga qaaday. Wuxuu isku dayey inuu xadka ka gooyo meel aan loogu tala gelin isagoo aan wadan dokumentiyadii loo baahnaa xilli dambena socdey.” ayay ku doodday Ledgerhood Rennie, Wasiirka Warfaafinta Liberia.

Waxaa lagu celin doonaa jidadka siigada badan ee caasimadda Monrovia oo uu tan iyo 2017-kii xukumayey laacibkii hore ee AC Milan iyo PSG oo 3 jeer noqday xiddiga sanadka marna ku guulaystey 1995 Ballon d’Or.

Buugga oo cinwaan looga dhigay: ‘George Weah: The Dream, The Legend, The Rise to Power’, ayay dadwaynuhu aad u dhaliilsan yihiin Cutubka 13-aad oo lagu soo qaaday arrimo gaar ah oo ku saabsan sariirta qoyska oo aan ku haboonayn in bulshada lala wadaago.

Hadalsame Media