Ciidanka Booliiska oo yeelanaya ciidan gaar ah oo qabanaya howl loo baahnaa (Hal cillad oo jirta)

0

(Muqdisho) 27 Jan 2022 – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sheegay inay dhidbeen ciidamo gaar ah oo u tababaran la socodka iyo kahortaga falalka anshax-darrada ah ee ka jira baraha bulshada.

Waxaa uu Taliyuhu intaa raacshey in dalka ay ku soo bateen dhaqamada noocan ihi, gaar ahaan baraha bulshada kuwaasoo uu ku tilmaamay qaar ugub ah oo u baahan in dhaqse loola tacaalo.

“Waxaa soo baxay dembiyo cusub oo aan hore u qabi jirin, waa in lala socdo oo la raaco. Ciidan badan ayaa u tababarnay oo waxaa u sameynay hoggaan gaar ah oo la tacaalaya sidii dembiyadaas loo yareeyn lahaa,” ayuu ballanqaaday mar uu ka hadlayey shir-sanadeedka Garsoorka.

“Waxaa is leeyahay marka aan qiimeeyo sanadkii lasoo dhaafay isbeddel wayn oo la taaban karo ayaa ka jira dhinacyo badan oo ay ugu horreeyso xeer ilaalinteena iyo maxkamaddaha.” ayuu daba dhigay.

Si kastaba, dhibaatada dhanka anshaxa iyo dhaqanka ayaa aad usii kordhaysa iyadoo xitaa ka jirta dhanka booliiska iyo guud ahaan ciidamada laftooda oo aan anshax iyo hab-raac qumman laftoodu lahayn si ay wax u saxaan.

Waxaa horay u jiri jirey ciidan ka tirsanaa Booliiska oo la oran jirey ”Bouna Costuma” ama Dhaqanka Wanaagsan oo arrimahan la socon jirey, balse si loo helo ciidan dhaqanka wanaajin kara waa inay iyagu horta dhaqankooda toosiyaan, ayay qabaan dad aanu la hadalnay qaarkood.

Hadalsame Media